Mucjisooyinka Quraanka dhinaca Xisaabta

Quraanku sidiisaba waa mucjiso Illaah swt ku soo dejiyey Rasuulkeena scw bilowgii soo degistiisa ayaaba mujiso ku bilaabantay .

 

Rasuulkeena oon waxna qorin waxna akhrin ayaa lagu yidhi :Iqra, markii laba goor lagu celiyey ayaa waxaa lagu soo dejiyey suurada Iqra, bal ogow akhirste umadeena waxaa la yidhaahaa magacyo ay mid yihiin Iqra,waayo Risaalada loo soo dhiibay Rasuulkeena ayaa lagu bilaabay kelmada (Iqra) si ahaantaasaa la inoogu bixiyey umadii (Iqra).

Dhinaca kale marka la eego waxaa diinteenu muhiimad badan siisay Barashada cilmiga diiniga ah.

hadaba Quraanku waa cilmiga ugu balaadhan aduunka waa ka ugu qaalisan waa ka laga helayo wax kastoo bin aadam u baahdo aakhiro iyo aduun.

Sidaas darteed ayaan jeclaystay inaan halkna ku soo gudbiyo qaar ka mid ah mucjisooyinka quraanka.weliba xaga tirooyinka quraanka ku jira iyo sida ay u yaalaan.

Bal ila eeg tirooyinkan mucjisada ah ee quraanka ku jira.

Kelmada malaaiig quraanka waxay ku jirtaa 88 goor

Kelmada shayaadiin quranka waxay ku jirtaa 88 goor.!

Kelmada xayaat waxay ku jirtaa quraanka 145 goor.

Kelmada mowt waxay ku jirtaa quraanka 145 goor!

Kelmada alnafci quraanka waxy ku jirtaa 50 goor

Kelmada alfasaad quranka waxay kujirtaa 50 goor!

Kelmada annaas waxay ku jirta quranka 368 goor.

Kelmada arrusul waxay ku jirtaa quranka368 goor

Kelmada ibliis waxay ku jirtaa quraanka 11 goor.

Kelmada isticaadada ibliis waxay ku jirtaa 11 goor

Kelmada musiiba waxay ku jirtaa 75 goor.

Kelmada ashukri waxay ku jirtaa 75 goor.

inta aynu ku kulmayno qormo kale oo mucjisooyinka quraanka ah insha Allah  halkaas ha inoo joogto

Guudcade2@yahoo.com

Wacddi@yahoo.com

Facebook=marti alle jama
Source: weedhsan.com

Fikirkaaga ka dhiibo waa Muhiim

*