Shabakadda Taabici Islamic Center: oo raadinayso Mutadawiciin ilaahay dartii ugu Shaqeeyo Shacabka kuwaasoo soo galiyo Qoraalo Diineed, Wacdi iyo Duruusba.

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

أيها الإخوة المؤمنون

” بلغوا عني ولو آية ”
الحديث

Walaalaha Muslimiinta inta wanaaga jecel ee Khayrka Faa’fiyo, waxaana ku codsanaynaa inay kusoo diraan Bogeena Taabici wixii Wanaag u leh Shacabkeena Muslimka ah, si aan ugu faa’iideeno Walaaleena Muslimka ah.

Walaale Ma ogtahay in Wanaag aad faafisay uu Ajar weyn ilaahay kuugu qoraayo?.

Walaale Ma ogtahay Anbiyada Dhaxalkooda inay tahay Cilmiga diinta, haddii aad faafisana aad buuxisay boos qaali ah?.

Ma Ogtahay walaale Ummada Nabi Mohamed ﷺ in lagu amaanay  khayr isu sheegista iyo xumaan iska reebista.

Walaale Ma ogtahay in ajar badan iyo fadli gooni ah lagu sheegay faafinta diinta islaamka?.

Bal ila akhri Diinta waxay ka qabto in la faafiyo Khayrka.

  • Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:  نضر الله امرءا سمع مقالتي فوعاها فأداها كما سمعها
    Ilaahay ha nuuriyo oo haka farxiyo qofkii qofkii maqlaa Xadiithkayga oo xifdiyo oo u guto ( gaarsiin iyo ku dhaqan ) siduu iiga maqlay.
  • Rasuulka ﷺ wuxuu yiri: فوالله لأن يهدي الله بك رجلا واحدا خير لك من حمر النعم
    Ilaahay baan ku dhaartee inuu ilaahay dartaa ku Hanuuniyo hal qof ayaa ka khayr badan Xoolo qurxan.
    way badan yihiin fadliga lagu sheegay qoraalkaan kuma soo koobi karno.

Ma ogtahay in ilaahay na faray ooba ay tahay amar alle dhankiisa ah, allaah SW wuxuu yiri:

ادع إلى سبيل ربك بالحكمة والموعظة الحسنة وجادلهم بالتي هي أحسن

قل هذه سبيلي أدعوا إلى الله على بصيرة أنا ومن اتبعني وسبحان الله وما أنا من المشركين

 

Sidaa darteed waxaan ka codsanaynaa walaalaha sharafta leh in aanu ka wada faa’iidaysano Fursadahaas oo aan Khaayrka soo dhigno Bogeena waxaadna kusoo aadisaan Contact Us

نسأل الله أن يوفقنا جميعا لحسن الدعوة إليه وأن يصلح قلوبنا وأعمالنا
وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

Fikirkaaga ka dhiibo waa Muhiim

*